Baro 6 qaybood oo jirkaaga ka mid ah balse aan wax kuu qaban! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 01 Jan 2018 – Waxaa jira xubno ka mid ah kuwa jirkaaga oo aan wax shaqo ah u qaban jirka insaanka (vestigial organs), kuwaasoo caadiyan cabbir ahaan ka yar kuwa kale.

Xubnahan shaqo la’aanta ah ee aysan jirin wax ay ku tooran yihiin marka wax laga eego dhanka qaab dhismeedka jirka iyo shaqada xubnihiisa ayaaba mararka qaar dhib keeni kara gaar ahaan haddii ay jiradaan iyadoo aysan jirin dheef lagu qabo, sida ay qabaan culimada caafimaadku, waloow ay u badan tahay inay jiraan wax aynaan ogayn oo uu ALLE ogyahay.

XUBNAHAA/QAYBAHAASI WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Raaraca hoose ee mindhicirka (Appendix)
  2. Goows Caqliyeedka (Wisdom Teeth)
  3. Timaha jirka ama Body hair (Arrector Pili)
  4. Daba qanaanta ama Tailbone (Coccyx)
  5. Ibta naasaha labka (Male nipples)
  6. Meesha guduudan ee gasha isha ee ku taalla laba gees ee isha ama Third eyelid (Plica semilunaris)

Iminka bal aanu mid mid u dul istaagno si aannu iskugu dayno in aannu si faahfaahsan u aragno waxa ay qabtaan, haddiiba ay jiraan inay wax ku tooran yihiin.

1 – Raaraca hoose ee mindhicirka (Appendix)

Xubintani waxay ku taallaa is goyska Mindhicirrada yar iyo kuwa waawayn, taasoo keenaysa inay dad badani iska dhaadhiciyaan inay jirto howl uu u qabto geeddi socodka hannaanka dheefshiidka, yeelkeede, wax shaqo ah oo uu qabtaa ma jirto haba yaraatee.

Shaqada ugu wayn ee uu appendix-ku qabto waa inuu caawiyo dheefshiidka xayawaanka dhir daaqa ah (herbivorous), waana sababta uu muhim ugu yahay laf-dhabarleeyda coowska cunta. Yeelkeede, wax ku ool uma aha insaanka ilaa iminka inta la ogyahay.

Ha yeeshee, cilmi baaris soo baxday sanaddii 2009-kii ayaa ku dooday dood aan weli la xoojin oo sheegaysa in laga yaabo, waa laga yaabo, in appendix-ku uu kaydiyo bakteeriya faa’iido u leh dadka shubmaya.

Haddii si saraaxi ah loo hadlo, waxaa ilaa iminka la ogyahay in appendix-ku uu xanuun ba’an iyo cuncun gubasho leh keeno haddii uu qofka ku dhoco cudurka appendicitis, markaasoo loo baahdo qalliin deg deg ah si gebi ahaanba meesha looga saaro haddii kale wuu qarxayaa kaddib wuxuu walxo caabuq daran keena kusii daayaa mindhicirrada iyo godadka ku yaalla ubucda insaanka!

La soco qaybta 2-aad…

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media