Roger Federer iyo Serena Williams oo markii ugu horreeysey dheelaya kulan jinsi-gudub ah!

0

(Perth) 31 Dis 2018 – Xiddigaha Teeniska dheer ee Roger Federer iyo Serena Williams ayaa waxay isku wajahayaan ciyaar labaleey jinsi gudub ah (inter-gender mixed doubles) tii abid ugu horreeysay oo ee iyaga dhexmarta.

Labadan jookar – oo lagu murmi karo inay yihiin labada xiddig ee abid ugu fiican – ugu yaraan ilaa haatan – ragga iyo haweenka ku xirfadeeya kubadda Teeniska dheer, ayaa berritoole oo Talaado ah ku ballansan koobka Hopman Cup oo ka dhacaya Perth.

Laacibka Federer oo u dhashay Switzerland ayaa foolka ku diiraya Williams oo Maraykanka u dhalatay, waxaana lagu wadaa inay is gacan qaadaan kahor inta aanay ciyaartu bilaabmin.

‘Waa ciyaar xiiso gaar ah noo leh labadeennaba,’ ayuu yiri Federer oo daba dhigay. ‘Waxaan quud darraynayaa inay taageerayaal badani berri daawan doonaan kulankaasi, waayo waxay noqon kartaa ciyaar aan nooceeda dib loo arki doonin.’

Hadalsame Media