CIYAAR LALA YAABAY! Mayweather oo ilbiriqsigii helay $64,285.71 kulan uu badiyay wareegga koowaad (Fal-celinta bulshada) + Muuqaal & Sawirro

0

(Saitama) 31 Dis 2018 – Feeryahanka gacanta fudud ee Floyd Mayweather ayaa muddo aad u yar oo hal wareeg uga faraxashay Tenshin Nasukawa oo reer Japan ah isla markaana ku ba’an ciyaarta feer iyo laadka, kulan ku qabsoomay Saitama, Japan.

Feerkan, oo ahaa waqcad lagu xayaysiinayay ciyaar dhaqameedka difaacu nafsiga dalkaasi oo uu soo agaasimey xiriirka dagaalka dalkaasi ee Rizin FF, isla markaana lagu maamuusayay sanadka cusub ayaa guul iyo geniyaal badan ugu dhamaaday Mayweather.

Yeelkeede, waxa bahda feerka xiiseeysa soo jiitey maba aha guusha degdegta ah, ee waa tirada geniyada waxaana la sheegay in Mayweather uu ilbiriqsigii qaadanayay $64,285.71 (yacni lacag ka kabadan 64 kun oo doollar) , hadde waa ilbiriqsi ee daqiiqad xitaa maaha oo taas wuxuu helayaa lacag ka badan 3852000, waana $9 milyan oo doollar kaashka nadiifka ah ee uu ciyaartan oo qura ku helay guud ahaan, waxayna taasi keentay in lagu tilmaamo “ganacsadihii ugu waynaa abid.”  Qiyaas haddii ay wareegyo badan isla gaari lahaayeen?

Hadalsame Media

Facebook Comments