QAMUUNYO: Dil lala yaabay oo Muqdisho ka dhacay & fal-celinta shacabka oo aad u qaab darrayd!

0

(Muqdisho) 26 Dis 2018 – Waxaa maanta xaafadda Jaamacadda Gahayr ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dhacay dil la yaab leh oo ay ilaa iminka fasiri la’yihiin dadkii xaafaddu.

Sida uu Hadalsame ka helo ilo goobjoog ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa u yimid wiil jaad ku iibiya suuq yare ku yaalla bannaanka dhismayaashii jaamacadda, jeer uu wiilka jaad walaha ihi qado isu diyaarinayay wuxuuna ka dalbaday inuu jaad u duubo.

Wiilkii jaadleeyda ahaa ayaa askariga dalabka u gudbiyey oo sida la sheegay ay macriifo isku dheer ahaayeen ka codsaday inuu sugo inta uu ka qadeeynayo, balse wuu ka diidey oo wuxuu ku yiri ”waan daahsanahay ee ii dhaqso”.

Markii uu jaadkii siiyey ayuu ku yiri ”haye lacagteyda maad isiisid?” Deeto wiilkii askariga ahaa ayaa inta qorigii ku callaqay ugu jawaabey ”lacagta meeshaan ayaan kaa siinayaa”.

Hadalba kama soo laaban oo xabad ayuu wadnaha kaga dhuftay, wuxuuna kasoo faniiney kursigii uu ku fadhiyey ee kabarkiisa dhex yaalley. Waxaa la sheegay in wiilka xabadda ku dhuftay uu deeto soo qabtay iyadoo la is waydiinayo inuu doonayay inuu qaado oo ay xabaddu kama’ ahayd iyo inuu geeridiisa hubinayey kaddibna wuu baxsaday.

DILKA WAXAA KA DARAN DAMIIR XUMADA DADKII GOOBTA JOOGEY!

Waxaa mar qura isu soo baxday xaafaddii si wiilka oo ay nafi ku jirto loo qaado, bajaaj ayaana la saaray, iyadoo weliba markii hore la dhigay qaybta caga saarta, ilaa uu wiil meesha joogey sheegay inuu isagu dhabta ku qabanayo, deeto markii ay mootadii qaadday ee ay muddo la maqnayd ayay isla meeshii kusoo celisey iyadoo uu wiilkii darawalka ahaa ku doodayo inuu ka baqayo in ay CID-du xirto oo isaga loo qabsado wiilka.

Waxaa deeto laga dejiyey bajaajtii waxaana la saaray bajaaj kale taasoo kala baxday dhanka haanta dheer ee isla xaafaddaas, balse bajaajtii 2-aad ayaa iyaduna isla meeshii kusoo celisey, iyadoo daliishanaysa isla arrintii ahayd in ay xarig ka baqeeyso.

DARYEEL XUMO, DAMIIR LA’AAN & DAYACAAD

Wiilkii oo meeshii silicsan ayaa sida Hadalsame loo sheegay waxaa arrintiisii gaartey nin ay qaraabo yihiin kaasoo u keenay gaari Homey ah, jeer xilligii ay toogashadu dhacday laga joogo qaddar saacad ku dhow.

Arrinta kale ee kasii darani waxay tahay, waxaa la sheegay in suuq yaraha uu wiilkani ku dhaawacmay ay ku yaallaan ilaa 2 farmashi, balse gurmad kaleba ha joogtee waxaa la sheegay inaysan dhiig joojin xitaa ku durin.

Waxaa kale oo cajiib ah in inta waxaas oo dhami dhacayaan aysan jirin wax ciidan dowladeed ah oo meesha soo gaarey, weliba waxay dadka xaafaddu waxay noo sheegeen inay xaafaddaas oo dhami tahay xero ciidan oo kale oo ay wiilal badan oo ciidan ihi deggan yihiin ama meesha ka dhowaayeen xilliga shilka. Waxay kaloo aad ugu dhow dahay Ex-Koontorool Afgooye, weliba dilka idaacadaha qaar ayaa sheegayay oo qarsoodi ma ahayn.

Wiilkii sidaa ku dhaawacmay waxaa la sheegay inuusan isbitaalka nolol la gaarin oo wuu geeriyoodey, waxaana arrinta wax laga

Shacabka & ciidanka dowladduba waa inay dhaqankooda bedelaan!

Hadalsame Media