Xildhibaannadii mooshinka wadey oo soo gudbiyay sababta ay uga hareen (Maxay ku beddesheen?)

0

(Muqdisho) 21 Dis 2018 – Xildhibaanno sheegtay inay yihiin Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay kaga hadlayaan mooshinkii madaxweyne Farmaajo ee guddoomiyaha baarlamanka uu shalay ku dhawaaqay inuu ansax noqon waayay.

Qoraalkan, ayaa xildhibaanada waxay ku sheegeen in markii ay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sida ay yiraahdeen ”dalka u tureen” isla markaana u tanaasuleen danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ogol yihiin in mooshinka laga laabto.

Yeelkeede, dad badan ayaa aaminsan in marleeyba aanu mooshinkoodu lahaadeen awood lagu jiljili karo Madaxwaynaha iyadoo ay xitaa qaar ka mid ah 92 xildhibaan oo lagu sheegay inay keeneen ay ku dhawaaqeen in lagu been abuurtay.

Hoos ka akhri war ay soo saareen…

Hadalsame Media