Muxuu maqaamka Somaliland ka sheegayaa kulanka Muusi Biixi & Mustaf Cagjar? Maxaa se guud ahaan la gudboon Soomaalida?

0

(Tog-wajaale) 21 Dis 2018 – Madaxwaynaha maamulka Somaliland ee gooni u goosad doonka ah Md Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo hollinayay inuu kulan fool ka fool ah la qaato RW Itoobiya Dr Cabbeey Axmed, balse ilaa iminka kuma guulaysanin.

Yeelkeede, maanta ayaa waxaa dhacay kulan Tog-wajaale ku dhexmaray MD Biixi iyo dhiggiisa Gobolka Soomaalida Md Mustafe Cagjar iyagoo ka wada hadlay arrimaha ka dhexeeya Soomaalida ku kala dhaqan labada dhinac.

MAXAY TANI KA SHEEGAYSAA MAQAAMKA SOMALILAND?

Somaliland oo 27 sanadood raadinaysay aqoonsi caalami ah oo aan ilaa iminkadan imanin, ayay tani uga dhigan tahay hoos u dhac dhanka qiyamka diblomaasiyadeed ah, maadaama ay madaxda maamulkaasi ku doodi jireen in ay yihiin dal u dhigma Itoobiya, iyagoo la kulmi jirey madaxdii hore ee DF Itoobiya, taasoo iminka ugu yaraan hakatay.

Waxaa kale oo jirta, in ay Itoobiya si cad ugu dhawaaqday inay Qunsul Guud u dirsatay magaalada Hargaysa oo uu horay u fadhiyi jirey nin ay Itoobiya ‘wakiil’ ku tilmaami jirtey, dhanka Hargaysana ”safiir” looga yaqaanney, taasoo muujinaysa inay haatan Itoobiya Somaliland si rasmi ah fariisisey kursi gobol ka tirsan Somalia.

Waxaa kale oo ay dadka xog-ogaalka ihi qabaan in Itoobiya ay diiddan tahay Somaliland oo dal noqota in ka badan inta ay Muqdisho diiddan tahay, sababo amaankeeda qaran ku xiran dartood, maadaama ay Itoobiya tahay qobtol la isku qabqabtay iyo quruumo qaran khasab ah laga dhigay.

MAXAA LA GUDBOON SOOMAALIDA?

Maadaama uu maamulka Somaliland 27 sano cayrsanayay madax banaani, balse uu hiraalkaasi haatan u muuqdo mid dhagaxyo hor leh herdinaya waxaa habboon inay qorshe labaad (Plan B) la yimaadaan.

Tan kale, marka la eego sida ay u taxan tahay siyaasadda dunida maanta oo ay xitaa dhici karto inay soo baxaan gumaysiyo cusub oo ka yimaada dhanka dalalka cusub ee haatan helay cududda iyo coodka sida Shiinaha, Hindiya iwm, kuwaasoo haatanba xaalufin ku haya badaha Soomaalida, waxaa umadda Soomaaliyeed la gudboon inay la yimaadaan wax ka waxgalsan cayrsiga siyaasado ma dhalays ah oo reeraysan oo ay kaliya ku cayshaan madax ku sheegyo dhowr ah oo aan lahayn aragti fog oo wax tari karta xitaa umadda ay sheeganayaan inay gooni u xukumaan ama gooni ula go’ayaan.

Waxaa dheer, 150 milyan oo nidaam leh oo deris nala ah, isla markaana aysan sax ahayn inaan siyaasadeenna ku jaan gooyno sida ay maalintaa noo arkaan, balse loo baahan yahay inaan lahaanno siyaasad aannu hindisney oo ka tarjumaysa horumarkeenna.

Si kastaba, sanadaha yar ee soo socda haddii aan la helin Soomaali ku tala jirta abuurista nidaam dhexe iyo abaabul qaran oo dan arag ah, isla markaana la sii joogteeyo ugaarnimada ay qoloba gobol isku ooddey iyadoo ku qoslaysa qaxarka qolada kale, waxaa kaliya ka dhalanaysa in la wada quuso oo la wada khasaaro. Caqligu ha shaqeeyo!

Somalia ha midoowdo!

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Boosto-Danabeed: Maxaaji@hotmail.com

Hadalsame Media