MBS Khashuuqji oo qura ma ahane xitaa carruur ayuu khaarajin ku xukumay + Sawirro

0

(Riyaad) 21 Dis 2018 – Hoggaamiye beenaadka Sucuudiga daaha gadaashiisa ka haga ee MBS oo ah ninka lagu tiray inuu amray dilka Jamal Khashoggi ayaa la sheegay inuu sidoo kale labalaabay dilalka iyo toogashooyinka Sucuudiga.

Siddeeddii bilood ee ugu horreeysey soo shaac bixidda Mohammed bin Salman oo ku beegnayd Juun 2017 ayaa la sheegay inay kordheen dadka dilalka lagu fuliyay.

Hay’adda xuquuqda insaanka u doodda ee Reprieve ayaa sheegtay in bishii Maarso ee sanadkan ilaa iminka la toogtey ilaa 133 qof, marka la barbardhigo 8 bilood oo kasii horreeysey oo 67 uun la diley.

Dadka la diley ayaa waxaa xitaa ku jira carruur aan weli qaan gaarin oo waddani ah oo lagu qabsaday dibad baxyo siyaasadeed oo ay ka qayb galeen iyo dad ajnabi ah oo dembiyo fudud lagu diley sida qaar lagu khasbay inay daroogo tahriibiyaan.

Waxaa la sheegay in la diley 700 oo qofood tan iyo 2014, waxaana celcelis ahaan iminka maalintii la dilaa 13 ay ku jiraan 7 si rasmi ah maalin qura loo diley bishii Luulyo.

Halkan ka eego sawirrada…

Hadalsame Media