DAAWO: Xuska Sanadguurada 75-aad ee aasaaska Booliiska Soomaaliyeed

0


(Muqdisho) 20 Dis 2018 – Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed munaasabad uu ugu dabaal dagayo Sanadguurada 75aad ee aas aaska Booliiska oo kubeegan maanta oo Taariikhdu tahay 20 December ayaa hadda ka socoto Stadium Koonis ee magaalada muqdisho.

Munaasabadda ka socota Muqdisho ee laga xusayo aas aaska Ciidanka Booliislka Soomaaliya ayaa Waxaa goobjoog ka ah Madax Kala duwan iyo Shacab isaga Kala yimid Degmooyinka Gobolka banaadir, iyadoo Halkaas ciidanka ay ku soo bandhigayaan gaarda ka ciyaar iyo heeso lagu maamuusayo maalintan qiimaha badan.

Sidoo kale Xaflado loogu dabaal-dagayo aas aaska Ciidanka Booliislka Soomaaliyeed ayaa ka socda Gobolada Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay Doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan Amniga iyo xasilinta Guud ahaan Dalka.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943 ayaa sanadkaan xusi doona Sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska, waxaana sanadkaan Munaasabadda laga darreemayaa u diyaar garow aad u ballaaran.

Halkan Hoose ka Daawo Munaasabadda Xuska 75-aad ee kasoo wareegtay Xilligii la aas-aasay Booliska.

Hadalsame Media