LIVERPOOL VS MAN UNITED: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Liverpool) 16 Dis 2018 – Jeer ay kooxda Liverpool meel saartay usoo bixitaanka wareegga labaad ee Koobka Horyaallada Yurub ayay fiidkii caawa soo dhowaynaysaa kooxda ay aadka ugu xafiiltamaan maxalli ahaan ee Manchester United oo imanaysa Anfield.

Waa kulan had iyo goor aad u xamaasad badan oo aad u kacsan dareen ahaan, xitaa haddii aanay tayada kubadeed ee lasoo bandhigaa aanay aalaaba taa ka tarjumin.

Fasalkii tegey waxay labada kooxood ku kala tageen gool la’aan, sida kii kasii horreeyayba, iyadoo ay taageerayaasha Reds  Jose Mourinho, ku xifaaleeyaan inuu bas dhigto goolka hortiisa marka uu yimaado Merseyside.

Haddaba hoos ka eeg shaxaha iyo safafka suurtagalka ah:

Hadalsame Media