DEG DEG: Guddoonka sare ee Aqalka Hoose ee Baarlamanka oo haatan shir ku jira

0

(Muqdisho) 16 Dis 2018 – Warar haatan soo baxaya ayaa tibaaxaya inay iminka shir u fadhiyaan Guddoonka Baarlamanka iyo ku xigeennadiisa oo fadhiya Hotel Paradise.

Guddoonka sare ee Baarlamanka ayaa sidii la ogaaba isku khilaafay mooshin la sheegay in laga keenay  Madaxwaynaha dalka kaasoo ay ku khilaafeen sharciyaddiisa.

Guddoonka Baarlamanka ayaa u guurey Hotel Shabeel balse ciidamada amaanka ayaa la sheegay inay ka xannibeen inuu halkaa ku shiriyo xildhibaannada raacsan.

Wixii kulankan oo lagu wado in dhinacyada la iskugu soo dhoweeyo kasoo daahira waxaad kala socon doontaa Hadalsame haddii Alle idmo.

Hadalsame Media