Yaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga hadlayo amniga ee ka socda dalka Jordan?

0

(Cummaan) 08 Dis 2018 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada uga qayb gelaya dalka Jordan gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Cummaan.

Madax ka tirsan boqortooyada Jordan ayaa soo dhaweeyay wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya kuwaas oo uu ka mid yahay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha XFS iyo saraakiil kale.

Waxaa Shirkaan looga hadlayaa iskaashiga  iyo kahor tagga waxa loogu yeero argagaxisada.

Hadalsame Media