UEFA oo markale Ronaldo ”inkirtay!” (Jawaabta taageerayaasha)

0

(Nyon) 08 Dis 2018 – Macquul ma ahayn. Waloow ay u muuqato in markii dambe la tuuray misna bogga ay Twitter ku leedahay UEFA, gaar ahaan qaybta af Faransiiska ku hadasha ayaa khalad wayn oo muran dhaliyay ku kacday.

Waxay arrintani timid xilli ay Twitter ku samaynayeen codayn ay cinwaan ua dhigeen “Waa ayo xiddiga qaata lambarka 7-aad ee aad fasalkan ugu jeceshahay?”.

Waxaana laacibiinta la tartansiinayay ka maqan jookarka Juve ee Cristiano Ronaldo, balse waxaa ka mid ah Coutinho, Mbappé, Griezmann, Mariano, Sterling iyo Ribéry.

Waxay arrintaasi kicisay taageerayaal badan oo aan awalba la dhacsanayn hab-dhaqanka UEFA ee ku aaddan Ronie, kuwaasoo dib u gocday inaan abaalmarinta UEFA la siinin qofkii mudnaa xitaa haddii Ronaldo la dhaafiyay.


Hadalsame Media