DAAWO: ”Maalintaa CEEB baa dhacday!” – Ronaldo oo ka hadlay kulan ay 20 sano kasoo wareegtey!

0

(Torino) 07 Dis 2018 – Ronaldo ayaa mar kale ku celiyay in ay ”ceeb iyo sharaf dhac ahayd” in aan Inter lagu abaalmarin rigoore kulankii 1998-kii lagu go’aamiyay horyaalka Talyaaniga.

Inter ayaa kulankaa la yeelatay Juve jeer ay isku hayeen Scudetto-ha 20 sanadood ka hor, waxaase lagu xusuustaa inuu garsoore Piero Ceccarini uusan dheg jalaq u siinin rigoore sax ahaa oo lagu galay Ronaldo kaasoo oo faawal diilinta ganaaxa uga galay daafacii Mark Iuliano challenge.

Ciyaartaasi waxay ku dhamaatay 1-0 uu dhaliyay Alessandro Del Piero oo sidoo kale cunay rigoore muran dhaliyay oo loo dhigay Juve.

“Waxaanu u tartamaynay Scudetto, waxay ahayd 20 sano kahor waxayna durba u muuqataa waqti aad u fog iyo duni kala nooc ah.” ayuu yiri Ronaldo oo maanta la hadlayay Gazzetta dello Sport.

“Wixii dhacay waxay ahaayeen sharaf dhac, markiina waa sheegay waloow ay ahayd waqti kale oo ay soo martay kubadda Talyaanigu…” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media