JUVENTUS VS INTER MILAN: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Torino) 07 Dis 2018 – Waxaa caawa dhacaya kulanka aadka u xamaasadda badan ee ‘Derb D’Italia’ kaasoo ay gegada Allianz ee magaalada Torino ay ku ballansan yihiin Juventus iyo Inter Milan.

Dhanka Juve: Alex Sandro ayaa maqan, waxaana shaki haraynayaa faya qabka Bentancur oo dhabarka ka sheeganaya, sidaa darteed Emre Can ayaa fursaddaa kusoo boodaya, balse laftiisu ash maaha. Allegri ayaa u weecan kara shaxda 4-4-2 kaasoo ay garbaha dhexe buuxinayaan Cuadrado iyo Douglas Costa.

Dhanka Inter: Waxaa laga quustay Nainggolan oo laakiin rajaynaya inuu diyaar noqdo kulanka calanka Champions League ee Inter uu qayb ahaan ku xiran yahay ee PSV. Waxaa fursad heli kara Joao Mario shaxduna waxay u badan tahay 4-3-3 waxaana dhexda ku wehlin kara Brozovic iyo Vecino. Garab weerarka Perisic ayaa ka cad cad Keita.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 4 BENATIA, 37 SPINAZZOLA, 24 RUGANI, 23 CAN, 16 CUADRADO, 11 DOUGLAS COSTA, 33 BERNARDESCHI
  • 27 PADELLI, 46 BERNI, 13 RANOCCHIA, 23 MIRANDA, 2 VRSALJKO, 5 GAGLIARDINI, 20 BORJA VALERO, 87 CANDREVA, 11 KEITA, 10 LAUTARO MARTINEZ

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Khedira, Barzagli, Kean
  • Nainggolan

Hadalsame Media