”Fadhiga Koongaraysku wuxuu u ekaanayaa ”Jamhuuriyad Islaami ah!” – Ilhaan Cumar oo usoo jawaabtey E.W. Jackson

0

(Minnesota) 07 Dis 2018 – Kaddib guulihii ay doorasho-dhexaadkii Maraykanka kasoo hooyeen Xisbiga Dimoqraadiga oo helay Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka waxaa dabcan dadka soo baxay ka mid ah haweenkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee gala aqalkaasi.

Yeelkeede, dad badan baan u riyaaqsanayn in isbeddel lagu sameeyo sharci Maraykanka ka shaqaynayay muddo 181 sano ah si ay haweenka Muslimka ihi xijaab ula soo galaan qaybta la fariisto ee Aqalkaasi.

“Fadhigga Koongaraysku iminka wuxuu u ekaanayaa sidii mid ay leedahay Jamhuuriyad Islaami ah,” ayuu yiri wadaad gaaleedka E.W. Jackson oo la hadlayay bandhig raadiye oo la yiraahdo Urban Family

“Waxaan nahay umad Masiixi ah oo lagu dhisay diintaasi. Qof kasta oo aan la noolaan karin ama jeclaynoow, orod oo meel kale aad.” ayuu soo jeediyay.


Ha yeeshee, Ilhaan Cumar oo ka mid ah dadka loo duurxulayo ayaa Twitter-ka ugu soo jawaabtey Jackson iyadoo soo qortay: “Hagaag mudane, fadhiga Koongaraysku wuxuu u ekaanayaa Ameerika… Adna waa inaad sidaa u qaadataa uun,” Waxayna Ilhaan qoraalka soo raacisay weji emoji ah oo qosol muujinaya.

 

Hadalsame Media