DHEGEYSO: Dadkee dunida ugu dayuurad raacis badan?

0

(Stockholm) 07 Dis 2018 – Dadka Swedish-ka ah ayaa la sheegayaa inay ka duulis ama dayuurad raacis badan yihiin marka loo eego dadka dalalka kale, sida ay qabto warbixin haatan kasoo baxday Hay’adda Swedhishka ah ee Dhowrista Bay’ada ee Naturvårdsverket oo duullimaadyada il gaar ah ku eegaysay tan iyo 1990-kii. Jonas Allerup wuxuu hay’addan ugu qaybsan yahay falanqaynta cimilada.

“Swedhish-ku waxay jecel yihiin inay dayuuradaha raacaan, waxaan dabcan duulnaa in 5 jeer ka badan celceliska caalamka kale, marka waxaanu duulnaa qiyaastii 1.4 jeer” ayuu yiri Jonas Allerup oo ka tirsan Naturvårdsverket.

Beryahan, Swedish-ku waxay dibedaha u duulaan in laba jeer ka badan sidii ay ahayd 1990-kii, halka duullimaadyada guduhu aysan ku dhowaad is bedelin Si kastaba se waxaan kordhin gaaska sunta ah ee hawada lagu sii daayo ee loo yaqaanno guri-cagaarka ama greenhouse sida Kaarboonnada uu ka mid yahay laba ogsaydhku tan iyo bilowgii qarnigan 21-aad 18 sano ka hor.

Waxaana ugu wacan farsamooyin cusub oo la adeegsado, iyadoo guud ahaan ay dayuuraduhu hawada Sweden sanadkii kusii daayaan 10 milyan oo tan oo gaaska suntan ah. Waxaa markale qiyaasaya Allerup.

“Waxaa qiyaastii qofkiiba kusoo hagaagaysa hal tan sanadkiiba, taasoo u dhiganta hal safar oo sanadkiiba lagu tago dalka Spain,” ayuu yiri Jonas Allerup.

Warbixintan oo ay diyaarisay Chalmers oo ugu talagashay Hay’adda Dhowrista Bay’ada Sweden ayaa xitaa diiwaan gelisey saamaynta ballaaran ee ay dayuuraduhu cimilada ku reebaan xitaa marka ay joogga sare ku duulayaan, si ka duwan qaabkii markii hore loo samayn jirey tirakoobyada la xiriira diqoowga ay dayuuraduhu sababaan taasoo la xisaabayay inta jeer ee ay dayuuradduu shidaal qaadato iyo degitaanka 1-aad, balse ay wax ka khaldanaayeen duullimaadyada dhaadheer. Allerup ayaa markale wax ka oranaya.

“Waxay noqotay mid ay saamaynteedu qiyaastii laba-laabantay, marka joogga sare la eego, hadaba sida cad farqi wayn baa jira,” ayuu ku dooday Jonas Allerup.

Hadalsame Media