Dalka Finland oo baasaboorka kaala noqon kara haddii… (Akhri hindise Soomaalida saamayn kara!)

0

(Helsink) 07 Dis 2018 – Dalka Finland ayaa miiska soo saaray hindise wax lagaga bedelayo arrimaha haysashada baasaboorka dalkaasi, kaasoo saamayn ku yeelan kara Soomaalida dalkaasi ku nool.

Xukuumadda Finland ayaa Arbacadii soo bandhigtay soo jeedin loo gudbiyay Baarlamaanka si wax looga bedelo Sharciga haysashada jinsiyadda ama dhalashada dalkaasi, tusaale ahaan haddii dadka ajaanibta ah ee dhalasha wadankaan la siiyey laga ceshan karo hadii lagu helo dambiyada hoos ku qoran sida: Argagexisnimo, afduub, dil, tahriibin, ka gaganacsiga hubka iyo khaa’inwadananimo.

Yeelkeede, markasta go’aanka ugu dambeeya ee kala noqoshada sharciga waxaa iska leh xarunta socdaalka dalkaasi ee loo yaqaanno immigration-ka.

Waxaa Diyaariyay: Cabdifitaax Maxamed Qaaje

Hadalsame Media