FADEEXAD: Laacibiinta Arsenal oo ku kacay arrin ceeb ah! + Sawirro

0

(London) 07 Dis 2018 – Qaar ka mid ah laacibiinta Arsenal ayaa ku lug yeeshay arrin fadeexo ah kaddib markii ay ka tageen xerada tababarka ee London Colney, iyagoo deeto dhigay xaflad waalli ah.

Waxaa xafladda kasoo qayb galay ilaa 70 hablood oo lagu marti qaaday, waxaana goobta lagu fuudayay khamriga iyo aalkolada noocooda aadka u kulul. Waana arrin ay aad uga xumaatay kooxda Gunners iyo gaar ahaan macallin Unai Emery.

Mesut Ozil, Alexandre Lacazette, Matteo Guendouzi iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka mid ah magacyada ugu waawaynaa ee goobta ku baashaalayay, waxaana la sheegay in biilka waxyaabaha la isticmaalay, la cabey ama la qaaciyay uu kor u dhaafay £30,000 oo gini, sida lagu faafiyay The Sun.

Ozil, Aubameyang, Lacazette iyo Matteo Guendouzi ayaa muuqaal lasoo duubay waxaa lagu arkayaa iyagoo dhuuqaya dhalooyinka lagu shaamo ee nitrous oxide — kuwaasoo sharci ah balse saamayn xun ku reebi kara qofka — waxayna xafladdan oo ka dhacday qaybta hoose ee Tape Club, oo ku yaalla Hanover Square, Mayfair ku beegnayd xilli uu bilaabmi rabey horyaalku bishii Agoosto.

Hadalsame Media