Haweenay ka tirsan Xisbiga xag-jirka ah ee SD oo ku been abuuratay Soomaalida!

0

(Stockholm) 06 Dis 2018 – Ann-Katrin Löfwfenhamnn, waxay ka tirsan tahay xisbiga xag jirka ah ee Sweden ee SD, waxaa ay ku andacooneeysaa in Soomaalida Sweden ay leeysinnada baabuurta lacag la’aan ku qaataan.

”Soomaalidu waxay shatiga gaari wadista ku helaan bilaash! Waxaana lagu bixiyaa canshurteenna! Sidee ku ogaadey? Haah, waan ku riyooday!” ayay si jees jees ah usoo qortay.

Arrintan ayaa waxaa marka cunsuriyadda iyo beegsiga Soomaalida misna ka muuqata been abuur aad u wayn, balse Soomaalidu ilaa haatan ma aha umad isku xiran oo xaqeeda u raadsan karta umad ahaan.

Hadalsame Media