RASMI: Maalinta & saacadda la ciyaarayo Supercoppa Italiana oo la shaaciyay

0

(Jiddah) 05 Dis 2018 – Waxaa lagu dhawaaqay goorka la baasan doono Kulanka Supercoppa Italiana ee dhexsan doona Juventus iyo AC Milan, kaasoo noqonaya 18:30 xilliga Talyaaniga ama 20:30 xilliga Soomaaliya, sida ay sheegtay Lega Serie A.

Bishii tagtay ayaa la xaqiijyay inay ciyaartu ka dhici doonto magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, tiiyoo ay jirtey in ay arrintaa ka hor yimaadeen ururro ay ka mid tahay Amnesty International, oo dood ka keentay diiwaanka xuquuqul insaanka dalkaas.

Waxaa sidoo kale cabasho keenay iskaashatada weriyeyaasha hilinka ay dowladdu maalgeliso ee Unione Sindacale dei Giornalisti Rai, kuwaasoo sheegay inaysan ku ”habboonayn” inay ciyaartaasi ka dhacdo Sucuudiga kaddib khaarajintii ay qirteen ee weriye Jamal Khashoggi.

“Ciyaarta Supercoppa Italiana 2018-19, dufcadeeda 31-aad, waxaa lagu qabanayaa Jiddah, garoonka King Abdullah Sports City Stadium maalin Arboco ah Jannaayo 16, waxayna bilaabmaysaa 20.30pm xilliga maxalliga ah (18.30 xilliga Talyaaniga),” ayuu u dhignaa qoraal kasoo fuley Lega Serie A.

Hadalsame Media