Madaxwaynaha Eritrea oo booqanaya Jabuuti

0

(Casmara) 05 Dis 2018 – Madaxwaynaha Dawladda Eritrea ayaa Isaias Afeworki dhawaan booqan doona dalka Jabuuti, si loo dhamaystiro heshiis nabadeed oo ay labada dal ka gaaraan colaad sanado jirtay oo u dhaxaysay, sida lagu qoray warbaahinta dowladda.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadolu ku sheegay in Madaxwayne Isaias Afeworki uu dhawaan booqan doono Jabuuti, ka dib markii dawladdiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa.

Isaias Afeworki ayaa waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadli doonaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda labada dal, looguna wada noolaan lahaa deris wanaagga iyo nabadgalyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wadaxaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritea ayaa bishii September ee la soo dhaafay ku kulmay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga, kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyey oo labada hoggaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyey markii ay labada dawladood ku dagaalameen Jasiiradda Dumera oo dal walba uu sheeganayo.

Hadalsame Media