DR FRIDAH: Haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee PhD ka qaadata Fiisigiska Nukliyeerka! + Sawirro

0

(Nairobi) 05 Dis 2018 – Dr Fridah Mokaya oo u dhalatay Maraykanka ayaa noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee hanata darajada PhD ee dhanka Fiisigiska Nukliyeerka (Nuclear Physics).

Dr Mokaya ayaa kaddib dugsiga hoose ku biirtay Dugsiga sare ee hablaha ee Pangani Girls High School, iyadoo dadaal dheer kaddib ku baastay heerka ”A” maadada Fiisigiska imtixaanka KCSE.

Waxay deeto gashay Kuliyadda Beeraha iyo Tiknolojiyadda ee Jaamacadda Jomo Kenyatta si ay Bachelor uga qaadato Culuunta Fiisigiska. Waxay deeto u wareegtey Maraykanka iyadoo Master-ka (M.S.c) ka bilowday Jaamacadda Binghamton University (SUNY), iyadoo ku baastay deetana barnaamij PhD ah ka bilowday University of Connecticut.

Dr Mokaya iminka waxay haysataa PhD, iyadoo kala dooranaysa saaxooyinka faraha badan ee ay ka shaqayn karto sida Tamarta Nukliyeerka, Baaritaanka Forensic-ga, Dawada Nukliyeerka iwm.

Hadalsame Media