Turkiga oo ku dhiiragaliyay warbaahinta Soomaalida inay si wanaagsan uga hadasho xaaladdaha Soomaaliya

0

(Istanbul) 03 Dis 2018 – Agaasime kuxigeenka iyo Tifafttiraha Wakaaladda Wararka Turkiga Anadolu Agency, Metin Mutanaglu oo hadal ka jeediyay shirweynaha horrumarinta iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa sheegay in warbaahinta Soomaalida looga baahan yahay in qaab wanaagsan ay uga hadlaan xaaladda dalkooda.

Metin Mutanaglu waxaa uu sheegay in Warbaahinta Soomaaliya iay si wanaagsan uga hadlaan Horumarka dalkooda, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii ay Soomaaliya mar kale dib isugu taagi lahayd cagaheeda.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka howgalaan toboneeyo Idaacadood iyo Tiifiiyo kala duwan kuwaas oo uu tilmaamay in caalamka ay la wadaagaan wixii gudaha dalkooda ka dhaca.

Warbaahinta dalkiisa ayuu sheegay inay si wanaagsan u xigtaan wararka ay tabiyaan warbaahinta Soomaalida, laakin looga baahan yahay buu yiri warbaahinta Soomaalida inay qayb ka noqdaan hurrumarka dalkooda oo aysan kaliya ku mashquulin wararka sawirka qaldan ka bixinaya dalkooda.

Hadalsame Media