Dib u habeyn lagu sameeyay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliya

0

(Muqdisho) 03 Dis 2018 – Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday xiliga rasmiga ah ee dib loo billaabayo bixinta Baasaboorka dalka oo muddooyinkan dambe hakad ku jira.

Waxaa ay Hay’dadu walaac ka muujisay waqtigii koobnaa ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka iyadoona sidoo kale bulshada raaligalin siisay.

Shaqada bixinta baasaboorka aya la filayaa in Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadddaha ay bilowday maalmaha soo socda sida ay sheegeen saraakiil ta tirsan laantaasi oo la hadlay Hadalsame

Dib u habeyn ayaa lagu sameyay habka bixinta baasaboorka Soomaaliya waxaana la  sheegay inuu bilaaban doonto bixinta baasaboorka 4ta Bishaan.

Hadalsame Media