”Ninna aakhiro dan la’aan uma joogo!” – Arag afarta danood ee is diiddan ee keenay in loo safto soo dhowaynta Guddoonka Baarlamanka + Sawirro

0

(Muqdisho) 01 Dis 2018 – Dad badan ayaa aaminsan in Baarlamanka Soomaaliya uu weli yahay hay’adda qura ee aan u dhaqmin si xirfadlennimo ku jirto oo moowduuci ah iyadoo ay maalin walba is jiirayaan hirar daneed oo aan ka tarjumayn maslaxada dalka iyo ujeedkii loo dhisay ee sharci dejineed, marka la eego dhamaanba hay’aadka dowladeed ee dalka oo aysan qaarkood weliba dhisnayn ama aysan si saaxi ah u shaqaynin sida Waaxda Garsoorka.

Waxaa ujeeddooyinka faraha badan ee kala nooca ah ee ay saaka xildhibaanno badan u xaadireen soo dhowaynta Guddoonka Baarlamanka oo aanba ahayn arrin mudan in maal iyo waqti la geliyo soo dhowayn qof marka la eego dakhliga dalka iyo danaha kala daadsan qoraal ka sameeyay weriye Dulyar oo qoraalkiisa ku bilaabay sidatan:

Soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa saakay siicir barar ku riday wareysigii dhexdhexaadnimada ahaa ee uu iska soo hormariyay waxaana isugu tagay Afar qeybood

1 – Qayb ladhacsaneyd hadalkiisa oo ka fileysa inuu Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ku go’aan qaato kuna tilmaamo Gudiyadii la kala diray mid sharci darro ah.
2 – Qayb u xusul duubeysa iney Software ka saaran ka bedalaan oo uu ku go’aan qaato wixii ay go’aamiyeen mudadii uu maqnaa.
3 – Qayb ujeedkoodu uu yahay doorashada Koonfur Galbeed inay kala hadlaan maadaama ay qoraxda in cabaar ah u taagnaayeen soo dhaweyn tiisa.
4 – Iyo qayb rabta iney waxaas oo dhan ka soo qaado war ku saabsan waxa loo sheego, balse aan siyaasada socota odorosi karin.

NINA AAKHIRO DAN LA’AAN UMA JIIFO.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media