FIORENTINA VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(Firenze) 01 Dis 2018 – Waxaa caawa fiidkii gegada Artemio Franchi ee magaalada Firenze ku ballansan kooxaha Fiorentina vs Juventus, oo had iyo goor si gaar ah ugu coltama ciyaaraha Talyaaniga.

Dhanka Viola: Pioli wuxuu u yeerey Pjaca balse kaydka ayuu ku bilaaban karaa. Waxaa sidoo kale diyaar ah Pezzella, oo safarkii Bologna ku seegay xanuun dhanka dhabarka ah. Haddii la waayo beddelkiisu waa Ceccherini.

Dhanka Juve: Alex Sandro wuxuu ka sheeganayaa dhaawac muruqa ah oo soo gaarey kulankii Champions League ee Valencia umana badna inuu safto, sidaa darteed waxaa dadabka kala buuxinaya Cancelo iyo De Sciglio, dambeedka dhexe waxaa hal boos iskula dheggan Bonotto-Benatia. Waxaa khadka dhexe weli ka maqan Khedira iyo Emre Can. Weerarku waa 3-leeyda Dybala-Mandzukic-Ronaldo.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 69 DRAGOWSKI, 33 BRANCOLINI, 5 CECCHERINI, 2 LAURINI, 11 MIRALLAS, 14 DABO, 16 HANCKO, 6 NORGAARD, 7 EYSSERIC, 77 THEREAU, 28 VLAHOVIC, 10 PJACA
  • 22 PERIN, 21 PINSOGLIO, 15 BARZAGLI, 4 BENATIA, 24 RUGANI, 37 SPINAZZOLA, 33 BERNARDESCHI, 5 PJANIC, 11 DOUGLAS COSTA, 18 KEAN

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Emre Can, Khedira, Alex Sandro

Hadalsame Media