UGAASKA XADDIIDKA: Maadaama ay is dheeheen siyaasadda & dhaqanku soow ma habboona in la xulo dhaxal-sugaha ugaasnimada?

0
Sawirkani sheekada si toos ah ulama xiriiro

(Hadalsame) 20 Nof 2018 – Mar waxaa dhaxalka yeesha mid lagu liibaano oo beeshiisa iyo inta deriska la ahba wanaagga la jecel oo aragti iyo karti uu wax ku fuliyo leh. Kaas waa lagu wada nastaa oo Allaa loogu mahadiyaa.

Marna mid magacu meesha keenay oo miskiin ah oo aan dhib iyo dheef midna lahayn ayaa yimaada. Kaas, haddaan belaayo ku shaqaysan, waa laga nabad galaa laakiin hawshii looga fadhiyey waa ku baaqataa.

Mar baase waxaa dhaxalku keenaa mid cirka laga soo tuuray oo aan hadalka iyo talada heli aqoon. Hadduu helana dantiisa ku raacda amaba si xun u oo aysan xitaa isaga dani ugu jirin ku taliya. Beeshiisu derejadiisa kama hor joogsan karaan.

Mar hadduu magacii sitana, ma aamusin karaan. Markuu Tvga soo fariistaba hoostay ka ashahaataan. Wixii uu ku hadlay siday micne qurxoon ugu samayn lahaayeen ayaa waqti ka qaadata. Hadduu kaasu 70 jir talada kula wareegay waaba laga yaabaa inuu mar dhaw iska socdo, laakiin kaasoo 20 jir talada ku qabta beeshiisa hawl dheer baa hor taal.

Waxaa malaha habboon iyadoo dhaxalkana la tixgelinayo, in waxgaradka beesha wax laga siiyo talada xulashada madaxdhaqameedkooda. Taasi kan dambe ayey meesha ka saari lahayd. Waxaa weliba sanadihii dambe jirta in dhaqanku siyaasaddii dhex galay taasoo halis hor leh sidata maaddaama ay yihiin laba walxood oo aad u kala geddisan.

Sawirkani sheekada si toos ah ulama xiriiro

Waxaa jirta sheeko ah in Beesha Ciise nin aanay la rabin Ugaasnimada ku qanciyeen inuu qaato derejada ah ‘Ugaaska Xadiidka’. Xadiidku (railway) waagaas wuxuu ahaa waxa ugu muhiimsan ee mara dhulka beesha. Waxay iska ahayd magac laakiin khilaaf ayaa lagu xalliyey.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media