Hal arrin oo ay tahay in dhaqanka Soomaalida laga saaro! (Daawo sheeko ka dhacday Maraykanka)

0

(Minnesota) 20 Nof 2018 – Dunidan casriga ah Soomaalidu waxay uga qoran tahay bulsho jirta balse ay wax badani ka khaldan yihiin ama ka kharriban yihiin, kaaga darane waxyaabahaa badan ee naga khaldan waxaa noogu eedaysan duul kale ee marna annagu mas’uuliyadda ma qaadanno.

Maxaa ku dhacay dowladdii adkayd ee Somalia? Waxaa ridey dalal kale oo annaga na neceb! Qabyaaladdu waa maxay? Gumaystihii ayaa nagu abuuray! Maamul-goboleedyada qabiilaysani waa maxay? Waxaa noo sameeyay dalka Itoobiya!

Waa maxay abaaraha soo noqnoqda? Waxaa ka dambaysa Beesha Caalamka! Waaxay beelahaa dagaallamayaa? Waxaa isku diray reer hebel! Walaaloow maxaad u shaqaysan wayday ama wax u baran wayday maadaama aad dal fursad leh joogto? Dalkani waa cunsuri oo waxba iima ogola!

Jawaabahaas IWM oo aynaan weliba ka baaraandegin ayaa nooga diyaarsan fashilka kasta oo na haysta, taasoo u baahan inaan inta dib iskugu noqonno saxno wax kasta oo naga khaldan annaga tiiyoo aysan markaa muhiimad wayn yeelanaynin waxa cid kale kaa bi’in karto. Si uu warkani micne kuugu sameeyo dhegeyso/daawo sheekadan hoose oo ay sii daysay idaacadda VOA.

Hadalsame Media