”Waxaan jeclaan lahaa in Ahuru iyo Geellaha Jabuuti ay sawirkaa ku jiraan!!” – Muxuu Faarax Macallin ka yiri shirka Geeska?

0

(Nairobi) 10 Nof 2018 – Aragtiyo kala geddisan ayaa laga bixiyay kulamada soo noqnoqanaya ee u dhexeeya madaxda 3-da dal ee ugu waawayn Geeska Afrika ee Somalia, Itoobiya iyo Eritrea.

Dadka qaar ayaa tuhun ka muujinaya waxa uu sal ahaan ku fadhiyo shirkani oo aan inta badan laga bixin tafaasiil ka badan in la abuurayo is dhex gal dhaqaale iyo mid ganacsi oo ka hana qaada Geeska, jeer dalka Somalia uusan ahayn mid isku toosan oo sidii dal weli u shaqaynaya.

Yeelkeede, dad kale ayaa qaba inay wax wanaagsan tahay in dhanka iskaashiga iyo wada shaqaysiga loo bayro halkii waqti lagusii lumin lahaa colaadaha Geeska ka oognaa qarniyaal badan, balse kooxdan dambe laftoodu jawaab maangal ah uma hayaan miisaanka ay arrintaa ku yeelan karto Somalia oo aan marka hore iyadu midaysnayn.

Dadka soo dhoweeynaya fikraddan waxaa ka mid ah siyaasiga Faarax Macallin oo aad ugu dhuun dhaloola arrimaha Geeska guud ahaan, isagoo ku baaqaya in la ballaariyo oo lagu soo daro dalal kale oo Bariga Afrika ah isagoo soo qoray:

”Waa cusub baa u baryay Geeska Afrika. Isdhexgalkooda dhaqaale wuxuu qaybtaa ka dhigi doonaa baloogga ugu hodonsan qaaradda. Sideen u quud darrayn lahaa in Uhuru & Geellaha Jabuuti ay sidoo kale sawirkaa ku jiraan. Tanzania iyadoo adeegsanaysa EAC waxaa ka go’an inay go’doomiso Kenya. Aan dhisno xiriirka Bariga.”


Hadalsame Media