”Warka Macron waa GEF wayn!” – Trump oo weerarka ku qaaday aragtida inay Yurub dhisato ciidamo u gaar ah!

0

(Paris) 10 Nof 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa weerar ku qaaday soo jeedin ka timi dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, kaasoo maalin dhowayd sheegay in loo baahan yahay inay Yurub samaysato ‘Ciidamo rasmi ah oo Yurubiyaan ah,’ oo ka madax bannaan Washington.

Trump ayaa sidii lagu yaqaanney kiiskaa la tegey Twitter-ka isagoo soo qoray: “Madaxwayne Macron-ka France wuxuu soo jeediyay in ay Yurub dhisato ciidamo ay iyadu leedahay si ay uga ilaaliyaan Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Taasoo waa gef wayn, balse Yurub horta ha bixiso qaybteeda NATO, oo uu Maraykanku aad u kabo!”.


Trump ayaa tixraacayay waraysi uu Macron dhowaan siiyay idaacadda Europe 1 radio, kaasoo uu Macro ku yiri: “Waa inaannu iska ilaalinnaa dalalka China, Russia iyo xitaa Maraykanka.”


Hadalsame Media