Wada danaysi, iskaashi iyo wada noolaansho waa dan!

0

(BahrDar, Itoobiya) 10 Nof 2018 – Shirkan oo ahaa kii labaad oo ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda ee gobolka, iyadoo bayaanka si weyn loogu sheegay inay muqadas-tahay Qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Bayaankan ayaa dowladda Soomaaliya lagu amaanay hurumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya.

DHINACYADEE LA ISKA ISKA KAASHAN KARAA?
● Qiyaastii 1660km oo soohdin ah ayaan Ethiopia la leenahay!
● Qiyaastii 6 milyan oo Soomaali ahna waa ku noolyihiin!
● Labada webi ee Soomaaliya ugu waaweyna Ethiopia ayay nooga yimaadiin!
● Ayagana bad la’aan ayaa ku dhegan!

● Qiyaastii 100 milyan oo dad ahna nolol ayay uga baahanyihiin!
● Annaguna dhulkii, badihii, cirkii ayaga oo nagu badan ayaan haysanaa waxna kuma qabsano!
● Diyaaradaha ugu tayada wanaagsan Africa ayay leeyihiin!
● Annaguna diyaaradba ma lihin, wax naga socdaal badana ma jiraan!

● Muuqaal waa isu egnahay, isir ahaana kalama fogin!
● Qiyaastii 55 milyan oo Muslim ahna Ethopia waa ku nooshahay!
● In tagtada laga soo tago ee timaadada la tix geliyo oo wax leesku darsado, la kala daneesto oo la is kaashado lana wada noolaado, adduunkuna goob joog ka ahaado, sow ma habboona?
Maxaasa diidan?

Waxaa qoray: Xasan Xundubey Jimcaale

AFEEF: Farriinta uu qoraalkani xambaarsan tahay waxay ka tarjumaysaa aragtida qoraha

Hadalsame Media