DAAWO: Dab la xakamayn la’yahay oo galaaftay guryaha jilayaasha & fanaaniinta Maraykanka + Sawirro

0

(Malibu) 10 Nof 2018 – Xiddigaha Bandhigyada TV-yada sida Kim Kardashian, jilaayadda Alyssa Milano, fanaanadda Lady Gaga iyo film sameeyaha Guillermo del Toro were ayaa ka mid ah jilayaal iyo dad caan ah oo ka mid ah qaybta madadaalada oo ka baxsanaya guryo qaali ah oo ay leeyihiin Calabasas iyo Malibu iyadoo ay dhimbilo dab ah iyo dambaaburo holcayaa ay cirbohooda leefayaan.

Gebi ahaanba magaalo xeebeedka raaxada ee Malibu, oo ah magaalo caan ku ah dadka bulshada ka dhex muuqda, laguna jiley musalkasalka Two and Half Men, ayaa gebi ahaanba la banneeyay, waxaa sidoo kale holcaya Westlake Village iyo Oak Park iyadoo uu dabku haatan saameeyay dhul ka wayn 35,000 oo acres.

Intaa kuma eka oo ilaa 250,000 oo qof ayaa iskaga cararay degmooyinka Los Angeles iyo Ventura kaddib markii dabka la xakamayn waayayn, kaasoo burburiyay ilaa 150 guri, iyadoo guryaha uu dabku liqay uu ka mid yahay midka Caitlyn Jenner oo ku yaalla Malibu, kaasoo ah nin sheegta inuu naag isu bedeley horayna u ahaa Olombiyaan billado ku guulaystay.

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

this is my street as of two hours ago praying for the safety of all my malibu fam, grateful to our brave firefighters please stay safe ??

Ett inlägg delat av Orlando Bloom (@orlandobloom)

Hadalsame Media