29 C
Mogadishu
Thursday, April 25, 2024
Home Ku Biiri Aqoontaada MAXAA CUSUB? Facebook oo ku siin doona fursad aad kula noqoto farriin...

MAXAA CUSUB? Facebook oo ku siin doona fursad aad kula noqoto farriin aad dirtay!!

0

(Menlo Park, CA) 09 Nof 2018 – Qoraal baad samaysay. Deeto waxaad garowsatay inuu khalad yahay. Ha welwelin, waad la noqon kartaa qoraalkaas, balse waa inaad dhaqsataa!

Dufcadda cusub ee Messenger-ka 191.0 oo dhowaan imanaya ayaa wuxuu kuu saamaxayaa inaad “La noqoto qoraal aad qof u dirtay, haddii aad si khalad ah u dirtay sawir khaldan, xog aan habboonayn ama sir aanad doonaynin inay ku dhaafto, balse waxaad haysataa 10 daqiiqo oo qura.”

Sidaa darteed waa inaad khaladka jira dhaqse u garataa; oo hadda waxay suuragal ka tahay dhanka Facebook, waloow ay horay u jirtey WhatsApp oo uu qofku haysto ilaa saacad si uu ula noqdo wixii uu kula wadaagey.

Noocan 191.0 oo la keenay Abriiil, isla markaana la tijaabiyay Oktoobar, wuxuu ku siinayaa dookh ay ku qoran tahay tir farriinta “Delete Message” markaasoo aad tifaftiri karto ama aad la noqon karto: “Unsend Message.” Haddayse 10-kaasi ku seegto nasiibkaa!

Hadalsame Media