Ethiopian Airways oo bilowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Adis-Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 09 Nof 2018 – Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airways.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayo imatinka Diyaaraddan. Waxaa munaasabaddan goob-joog ka ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo soo maray ama ka yimid Dalka Ethiopia.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga Duullimaadyada Caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka Caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xigasho: Radio Muqdisho

Hadalsame Media