WAR CUSUB: ”Waxaan nahay 100 milyan mana jirto sabab aan BAD-XIRAN usii ahaanno!!” – Generaal Itoobiyaan ah oo kashifay ujeedka Itoobiya

0

(Addis Ababa) 08 Nof 2018 – Waxaa socda qorshe ay Itoobiya ku dhisanayso ciidamo badeed kuwaasoo saldhigyo ka dhiganaya “Badda Cad iyo Badwaynta Hindiya,” sida uu qabo General Berhanu Jula, oo ah abaanduule xigeenka ciidamada Itoobiya.


“Waxaannu la tashanaynaa dalal kale, marka ay timaaddo qaab dhismeedka ciidamadeenna badda, xajmiga iyo dib u howlgelinta.” ayuu Jula u sheegay Addis Standard.

“Waa in aynnu saamaynteenna ka muujinnaa badda. Dalal kala duwan oo badan baa meelo aad u fog uga imanaya inay saamayntood badda ka muujiyaan. Waxaan nahay dal wayn oo ay deggan yihiin dad ka badan ilaa 100 milyan oo qofood. Ma jirto sabab ay Itoobiya bad la’aan usii ahaataa,” ayuu ku dooday General Berhanu Jula.

Jeneraalkani ma carrabaabin dalalka ay Itoobiya arrintaa kala tashanayso iyo halka ay u calaamaysteen saldhigyadaa toona, balse warkan ayaa abuuraya tuhun hor leh oo ku aaddan is ballaarin ay sameeyso Itoobiya, taasoo horseedi karta foowdo hor leh, jeer la hadal hayay inuu gobolka Geesku u dhaqaaqo dhanka iskaashi dhaqaale oo ku dhisan is faham iyo wax qaybsi ganacsi nabad ku dhisan.

Hadalsame Media