Madaxwaynaha & Guddoonka Baarlamanka oo kulan gaar ah qaatay + Sawirro

0

(Muqdisho) 08 Nof 2018 – Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Sida lagu qoray bogga Villa Somalia waxaa lagu sheegay inay iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda Somalia.

Yeelkeede, warar hoose ayaa tibaaxaya inay sidoo kale isla soo qaadeen xiisaddii Gobolka KG kaddib is casilaaddii madaxwaynihii hore ee Shariif Xasan iyo arrimo kale oo aan la carrabaabin.

Hadalsame Media