JIGJIGA oo laga jeclaaday calanka Soomaaliya + Sawirro

0

(Jigjiga) 08 Nof 2018 – Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jidjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday.

Waxyaabaha mamnuuca ahaa ayaa waxaa ka mid ah astaanta calamka Soomaaliya oo haatan aad looga xiiseeyo gudaha magaalooyinka sida Jigjiga oo kale.

Dharka lagu xardhay calanka Soomaaliya gaar ahaan duruucda ay xirtaan dumarka ayaa haatan gudaha magaaladaasi Jigjiga aad uga qiimo badan dharka kale.

“Diraca baatiga ama shiidka ah waxaan ku gadnaa 120 bir oo lacagta Itoobiya ah, balse marka lagu xardho calanka Soomaaliya waxaan ku gadnaa 300 oo bir.” Ayay tiri Salma Yuusuf Ismaaciil.

Salma oo BBC-da kula hadashay magaalada Jigjiga ayaa sheegtay in ay xukuumaddii hore aysan ogolaan jirin in Jigjiga lagu xirto calanka Soomaaliya, “isla markaasna ay ku taami jireen in ay arrintaasi mar uun u suuragasho.”

Diracyada iyo go’yaasha calanka Soomaaliya lagu xardhay ayaa gabaabsi ku ah Jigjiga. Ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa horay u sheegay in ay dadku aragtidooda oo xor ah dhiiban karaan iyaga oo u maraya wadooqiin nabad ah.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka gobolka Waqoyi Bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa caadi looga xirtaa calanka Soomaaliya dareen la’aan, sababtuna waa in aysan dawladdu mamnuucin, dadkuna ay xor u yihiin wixii ay cawrada ku asturanayaan.

Calanka Soomaaliya oo kali ah Jigjiga ma tagin ee waxaa iska xaadiriyay dad aan la gabanin in ay aaminsan yihiin midnimada Soomaalida sida Naciima Abwaan qorane.

Hadalsame Media