DAAWO: ”Waxaan ahay ”rajada” Maraykanka & ”Calwasaadka” Trump!” – Ilhaan Cumar oo waraysi cusub bixisay!

0

(Minnesota) 08 Nof 2018 – Ilhaan Cumar ayaa shalay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee Muslim ah ee gasha Aqalka Wakiillada Koongarayska Maraykanka, iyadoo sidaa taariikh cusub ku dhigtay.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Xisbiga Liberaalka ah ee Dimoqraadiga ayaa dabcan kasoo jeedda Somalia, sidaa darteed waxay ka mid tahay dadka bartilmaameedka gaarka ah u ah madaxwayne Trump.

Mar uu waraysanayay Weriyaha Koonfur Afrikaanka ah ee Trevor Noah ayay ka jawaabtey sida ay su’aashaa u aragto; ”Waxaan ahay rajada Maraykanka iyo calwasaadka madaxwaynaha.” ayay tiri Ilhaan Cumar oo sheegtay in Ameerika ay asal ahaan dad lahaayeen balse kuwa iminka sheeganaya iyo kuwa laga sheeganayo ay soo galooto wada yihiin sidaa darteedna ay is kaashadaan.

Ilhaan Cumar oo sidoo kale u warrantay barnaamijka The View ayaa Trump ku tilmaantay cunsuri u baahan in laga ilduufo si looga hadlo waxyaabo ka mudan dad qaybintiisa loona yagleelo meel ay dadku rajo qabaan oo ay is kaashanayaan.


Hadalsame Media