1973-kii ayaa u dambaysay inuu wefdi ciidan oo sidaa u ballaarani Somalia yimaado + Muuqaal (Ujeedka wefdiga Turkiga)

0

(Muqdisho) 08 Nov 2018 – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Turkiga kaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee Turkiga, Hulusi Akar ayna ku jiraan abaanduulayaal ciidan, kuwaas oo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasoo la kulmay madaxda sare ee magaalada xalayna magaalada seexday.

Sida ay sheegayaan warar hoose oo uu Hadalsame helay waxay werdigani doonayaan inay isha mariyaan qorshe uu Turkigu ku doonayo inuu ku qalabeeyo ciidamada uu isagu tababarayo sida ciidamada cirka, dhulka iyo badda.

Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa gacanta ku haysa qorshe qaran oo la doonayo in lagu dhiso ciidamo tayo iyo dishibiliin leh, isla markaana xal loogu helo nidaamka ciidamada oo aad iskugu yaacsan iyadoo ay ku bada yihiin saraakiil hore oo xilal uun iska eeganaya xafladahana xaadira iyo kuwo la iskaga  magacaabay xilal aysan xajmigeeda lahayn.

Ujeedka 1-aad waa in la helo ciidamo rigli ah oo ilaa 50,000 gaaraya oo la wareegi kara amaanka qaranka, si looga maarmo ciidamada shisheeye ee muddada dheer dalka jooga.

Tusaale ahaan, waxaa la yareeyey tirada hoggaanka, iyadoo sidoo kale fursad la siinayo dhallinyarada wax baratay, waxaa kale oo la dhaqan geliyay hannaanka Biometrics-ka si askari waliba uu mushaarkiisa xeradiisa ama howlka uu ku jiro ugu qaato qoondadiisa iyo iidaankiisa.

Waxaa kale oo la wadaa qorshe ah in ladhiso mac-hadyadii iyo kulliyadaha sida kuliyadii Jaalle Siyaad iyo kuwo cusub oo bixiya xirfadaha kala duwan ee ciidamada.

Wefdi sidan oo kale ah oo isagoo dal dibadeed ka socda Somalia yimaada waxay dhacday sanaddii 1973-kii, markaasoo uu Midowgii Soofiyeeti eegayay qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada Somalia oo uu xilligaas ka dhigay kuwa 4-aad ee ugu ballaaran Afrika, balse waxaa muhim ah in qorshe cad loola tago Turkiga.

Hadalsame Media