Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay xiisad ka dhalatay dad shacab ahaa oo Ciidamada AMISOM ku dileen Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Nov 2018 – Duqo Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ka hadlay dhacdii shalay ka dhacay Isgooska Ex-kontorool ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ku dileen ugu yaraan 4 ruux oo rayid ahaa.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay inuu la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka wadahaleen sidii  loo soo qaban lahaa askartii ka dambeysay dadkii Shacabka ahaa ee shalay lagu dilay Degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto.”

Mr. Yariisoow ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka AMSIOM uu ka dalbaday in baaris dhab ah lagu sameeyo kiiskaan.

“ Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, Waxaa uuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday” Sidaasi ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kalena Isla maanta ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa rasaas ku furay shacab banaanbax ka waday nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka. Ciidamada AMISOM si xoog ah wadada rasaas ugu furta inkastoo aysan jirin cid ay dhibaato ka soo gaartay.

Hadalsame Media