Weriye caan ahaa oo ku geeriyooday Muqdisho

0

(Muqdisho) 04 Nov 2018 – Alle u Naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye caan ahaa oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan Qoslaaye.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Wariye Qoslaaye uu xalay ku soo booday xanuun deg deg ah kaas oo sababay in loola cararo Isbitalka Digfeer ee ku yaalla Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa xaqiijiyay geerida weriyeha. Weriye Qoslaaye oo hore uga soo shaqeeyay Idaacadda Shabelle ayaa muddooyinkii dambe la shaqeynayay Telefishinka Kalsan xaruntiisa Muqdisho.

F.G. Bahda Hadalsame Media, waxay halkaan Tacsi uga dirayaan dhamaan, qoyska, asaxaabta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, Geerida Weriye Qoslaaye (AUN)

Hadalsame Media