Haweenay caddaan ah oo wiilkeeda u ekeeysiisay ”addoon” & eed ballaaran oo loo jeediyay + Sawirro

0

(Natal) 02 Nof 2018 – Haweenay u dhalatay dalkaasi Brazil ayaa ku dhaqaaqday talo xumo wayn kaddib markii ay wiilkeeda yar ugu soo lebistey sidii addoon, munaasabad ku saabsanayd waxa loo yaqaan Halloween taasoo kicisay xanafta ay arrintani ka leedahay dalka Brazil.

Sabrina Flor oo weliba caddaan ah ayaa raalli gelin ka bixisay falfalxumada ay ku dhaqaaqday kaddib markii aad loo cambaareeyay sawirrada oo ay dhigtay Instagram oo ay markii dambe gebi ahaanba xirtey.

Sabrina Flor, oo ah ganacsato, ku nool magaalada Natal, oo ka tirsan gobolka Rio Grande do Norte ayaa lagu eedeeyay inay tahay cunsuriyad bilaa damiir ah, maaddaama ay wiilkeeda u sawirtay sidii addoon iyadoo marisay kallar madow ah min tin ilaa cirib isagoo katiinadaysan oo weliba ay dhabarkiisa ulo ku yaallaan.

Hadalsame Media