NIMAN ISKU MAQAN: Real Madrid oo Mourinho raadinaysa & Conte oo ka suganaya kursiga Man United

0

(Madrid) 30 Okt 2018 – Antonio Conte oo la hadal hayay inuu qabanayo Real Madrid ayaa lasoo sheegayaa inaysan dhici doonin Jose Mourinho dartii, iyadoo Conte uu haatan kulaalayo kursiga kabawaynta Manchester United.

Merengues ayaa shalay si rasmi ah u cayrisey Julen Lopetegui, iyadoo Conte loo arkayay bidaalkiisa, yeelkeede, warkaasi isma soo tarin laba sababood dartood, kuwaasoo kala maxkamadda uu la saaran yahay Chelsea oo aan weli dhan u dhicin iyo laacibiinta Real oo aan la dhacsanayn habka uu wax u maamulo.

Si kastaba, Gazzetta dello Sport ayaa saaka qoraya in ay wax kastaahi ku xiran yihiin  Mourinho. Maamulaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa doonaya inuu ‘The Special One’ dib ugu soo celiyo kooxdaas oo uu horay ugu jebiyay rikoodh 100 dhibcood ahaa.

Conte oo warkaa maqlay ayaa isna doonaya inuu raajiciyo xilka macallinka Portuguese-ka ee Old Trafford. Mourinho ayaanse la eryi doonin ilaa dhamaadka fasalkan, maadaama ay United khasab ku tahay inay bixiso £30m oo magdhow ah.

Hadalsame Media