JALIS QARAN: ”Wixiiba fuuqsade!” – Ciidamada Maraykanka oo cuntadii & cabitaankii ka laayay makhaayadaha caasimadda Iceland

0

(Reykjavik) 30 Okt 2018 – Waxaa la filayay inay in yar uun meesha ku hanayaan, balse ilaa 7,000 oo askari oo Maraykan ah oo ka qayb qaadanayay dhoolla tus ay samaynayeen ciidamada NATO oo ka dhacayay dalka Iceland.

Ciidamada Maraykanka ayaa dabeeto ku qamaamay makhaayadihii ku yaalley caasimadda Reykjavik, halkaasoo ay cuntad iyo cabitaankii ka laayeen, gaar ahaan biirka oo magaaladiiba ku yaraaday, sida ay qortay saxaafadda maxalliga ihi.

via GIPHY

Ciidamadan ayaa Iceland yimid todobaad dhamaadkii iyagoo kusii jeeday dalka Norway oo uu ka dhacayo dhoollatuska Trident Juncture 2018 NATO oo ah kii ugu waynaa ee ay NATO qabato tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa.

Yeelkeede, waxay ciidamadani jaliyeen Reykjavik oo ay biyo iyo baadkii ka mariyeen makhaayadihii magaalada oo aan u baranin inay mar qura marti geliyaan, waxayna magaaladu xaalad deg deg ah marka la eego dhanka cabitaanka biirka.

Hadalsame Media