Dhuusa-Mareeb ma aqbali doontaa shir lagu naafeynayo dowladnimada Soomaaliya? (Maqaal Xiiso leh)

0

(Muqdisho) 30 Okt 2018 – Madaxda Maamullada gaar ahaan Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa shir dhawaan ku yeeshay Magaaladda Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, ahna caasimadda maamulka Puntland.

Dhinacyda ku shiray Garowe waxay sheegeen in shirweyne qaran ay ku qaban doonaan Magaaladda Dhuusa-Mareeb ee bartamaha Soomaaliya, ahna xarunta Maamulka khlaafku la dagay ee Galmudug.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay dib ugu laabtay Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in kumanaan ergo ah ay dhawaan imaan doonaan Caasimadda Galmudug ee Dhuusa-Mareeb si buu yiri ay uga qeybgalaan shirweynaha ay iclaamiyeen afarta Hoggaamiye ee Garowe ku shiray.

Baaqa Madaxda ku shiray Garowe waxaa uu dab ku sii shiday khilaafka u dhaxeeya Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada marka laga reebo Hirshabelle oo hore dowladda dhexe heshiis ula gashay.

Qoraal ka soo baxay Madaxwayne Farmaajo ayaa mar kale loogu baaqay madaxda maamullada inay aqbalaan inay yimaadaan Xamar si ay dowladda ula galaan wadahadal dhab ah islamarkaana dhinacyadu isugu tanaasulaan si danta qaranku ku jirto.

Hase ahaatee maamullada ayaa mar kale ka meer meeray gogosha Madaxwayne Farmaajo fidiyay waxana ay u muuqdaan, “NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOW”  taa oo micnaheedu yahay inay jiraan waxyaabo hoose oo la isku hayo islamarkaaana aysan hoggaamiyaasha gobolladdu aysan dooneyn in xiligaan ay shir la galaan Villa-Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa la sheegay inay door qarsoon ka ciyaareyso khilaafka maamullada iyo dowladd dhexe iyadoona taban taabinaysa maamullada si doorashooyinka soo socda ee gobollada ay uga soo baxaan siyaasiin aad ugu dhaw Imaaraadka carabta ama kuwa hadda jooga dib loogu dooran lahaa.

Arrigtada shacabka ee shirkii Garowe ayaa noqotay mid aad isugu dhaw waxayna welwel iyo walaac ka muujiyeen shirkaasi iyo qodobadii ka soo baxay kuwaas oo lagu tilmaamay wax aan xiligaan dan u ahayn Soomaaliya oo ku jirta Geedi socod soo kabasho ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Haysom oo booqashadiisii ugu horeeyay ku tagay Kismaayo ayaa shir la sheegay hoggaamiyaha Jubbaland oo loo arko inuu yahay maskaxda rasmiga ah ee dhismaha golaha iskaashiga maamul goboleeyadda oo markiisii hore lagu dhisay Kismaayo.

Mr. Haysom oo u muuqday mid si toos ah ula hadlayay hoggaamiyaasha Soomaalida ayaa sheegay in dhaqatarka aysan suuragal ahayn in daawada uu isagu isticmaalo isagoo wakiil uga ah bukaanka hase ahaatee taa bedelkeeda bukaanka ay dan ugu jirto inuu daawada isticmaalo si uu xal u helo, sidaas darteedna Soomaalida ay dan u tahay in dhibteeda ay iyadu xalisato.

Hadalkaas ayaa lahaa micno weyn oo la fahmi karo, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay sheegtay inaysan marnaba raali ka aheyn in gacmo shisheeye soo faragaliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka maamullada iyo dowladda dhexe?

Labo qodob ayaa ugu muhiimsan waxaana ay kala yihiin iyadoo waqtigii doorashada ku soo fool leeyahay inta badan madaxda maamullada ayna ka doonayaan dowladda dhexe inay garab ku siiso sidii ay mar kale ugu soo bixi lahaayeen kuraastada doorashada iyo sidoo kale in dowladdu dhaqaale badan ku siiso inay guulaystaan kana hor istaagto musharaxiinta kale.

Dhuusa-Mareeb iyo shirweynaha qaran ee la sheegay in lagu qaban doono!!

Shiikh Shaakir Cali Xasan oo ah madaxa xukuumadda Galmudug, xilkiisuna u dhigmo Ra’iisul Wasaare ayaa warqad uu xalay qoray ku sheegay in si buuxda uu u aqoonsan yahay dowladdda dhexe iyo hoggaankeeda.

Hadalkaasi waxaa uu dhabar jab weyn ku yahay hoggaamiyaasha afarta maamul ee ku shiray Garowe oo war-murtiyeedkii ay soo saareen ku sheegay inay dhisanayaan ciidamo u gaar ah iyo inay shirweye ku qabsan doonaan Dhuusa-Mareeb, halkaas oo dad badan ay u qaateen inay ku dhisi doonaan dowlad kale.

Madaxa Xukuumada Galmudug ma ahan nin sahlan, suuragalna ma ahan in waxa isagu uusan raali ka ahayn ay ka dhacaan Dhuusa-Mareeb. Waliba waxaa kale uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu heshiisiiyo madaxda maamullada iyo dowladda dhexe. Taasina waxaa fariin kale oo meesha ka saari karta suurtagalnimada shirka la sheegay in Dhuusa-Mareeb lagu qaban doono.

Mr. Xaaf, Madaxwayneha Galmudug oo isagu lahaa fikir ah in Dhuusa-Mareeb shir lagu qabto ayaa hadda wajahaya quus iyo waji gabax maadama khilaafka maamulkiisa uu noqday mid fogaaday.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay madaxa xukuummada Galmudug

W/Q:- Mohamed Odowa

Hadalsame Media