Bankiyada Belgium oo iska baxbaxsanaya balaayiin doollar oo uu Qadaafi leeyahay! (Dacwad socota!)

0

(Brussels) 30 Okt 2018 – Dacwad oogayaal ayaa baaraya in baananka Belgian ay sidii saxda ahayd u bixiyeen lacag balaayiin doollar ah oo lagu sheegay inay ahaayeen dulsaar iyo faa’iido saamileey tan iyo 2011 oo ahayd markii la qallibey xukunkii hoggaamiyihii Libya ee Mucmmar Gaddaafi.

Lacag dhan ilaa €5 bilyan oo euro ($5.7 bilyan oo doollar) ayaa la sheegay in loo qaybiyay dad maamulayay koontooyinka qaranka Libya ee dibedda, kuwaasoo ay xitaa ku jiraan malliishiyaad la sheegay inay ku tuntaan xuquuqul insaanka, waxaa kaloo jirta balaayiin dhexda ka baxday, sida uu baahinayo RTBF oo soo xiganaya ilo aan la carrabaabin.

© Ahmed Jadallah
Nidaamka Belgium ayaa dafirsan in balaayiin doollar lagala baxay koontooyinkii Qadaafi ee la fariisiyay

RTBF ayaa sheegay in QM ay ogolaatay in la xayiro xisaab bankiyeedkii uu maamulkii Qaddaafi ku lahaa dibedaha, balse waloow ay Belgium oo ka mid ah dalalka lacagahaa haya ay xayirtay misna waxaa sii socday in lacago laga saaro koontooyinkaas, taasoo ah sida ay yeelaan dalal badan oo reer Galbeed ah oo sii dhaca lacagaha ay madaxda Afrikaanku dalalkooda kasoo dhacaan ama dibedaha dhigaan.

Kaddib faragelintii NATO, waxaa la sheegay in QM ay xayirtay adduun lacageed oo dhamaa $67 billyan oo doollar oo ay lahayd Hay’adda Maalgelinta Libyan Investment Authority (LIA), taasoo kala taalla Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, marka la eego xeerka EU, waxay dowladuhu xayirayaan kaashkii raasumaalka ahaa, halka dulsaarka iyo faa’iidada saamileeydu ay qaab kaash ah u qulquleeyso.

Hadalsame Media

Facebook Comments