Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Walaweyn kadib dagaal ka dhacay halkaasi

0

(Muqdisho) 29 Okt 2018 Xaaladda degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegayaa inay degan tahay kadib dagaal beeleed khasaare gaystay oo ka dhacay shalay galinkii dambe.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku xirmay suuqa ganacsiga degmadaasi waxaana sidoo kale istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga gudaha Magaaladda sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Nabdoono iyo waxgarad ayaa ku baxay coolaad beeleed shalay ka qaraxday Walaweyn waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan afar ruux oo shacab ah.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kuwada sugan degmada Walaweyn,waxaana dadka degmada ay sheegeen in dagaalka uu markii hore ka so bilaawday tuulooyin hoostaga degmada Walaweyn.

Hadalsame Media

Facebook Comments