”Yuhuuddu waa carruur Shaydaan, waana inay dhintaan” – Ninkii weeraray macbadka Pittsburgh oo warkiisa la helay!

0

(Pittsburgh) 27 Okt 2018 – Ninkii hubaysnaa ee weerarka ku qaaday macbad ay Yuhuuddu ku leedahay magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, ayaa la ogaadey inuu doonayay inaan qofna ka fiigin Yuhuuddii ku jirtey dhismahaasi.

Toogtahan, oo sida la sheegay ah 46-jir lagu magacaabo Robert Bowers, ayaa ku hubaysnaa qori AR-15 ah iyo bistoolad Glock ah, waxaa kale oo laga helay hub kale oo anqowga ugu xirnaa iyo bastoolad dhexda ugu xirnayd.

FILE PHOTO. The Tree of Life synagogue in Pittsburg.
Ugu yaraan 8 qofood ayaa dhimatay

Bowers ayaa ka tirsanaa bog baraha bulshada ka jira oo Gab la yiraahdo. “Gudaha ayaan gelayaa,” ayuu soo qoray in yar ka hor gelitaankiisii macbadka sida lagu qoray Heavy.

Markii la tixraacay waxa uu Gab ku qoray, Bowers ayaa yiri: “Yuhuuddu waa carruur Shaydaan, waana inay wada dhintaan.” Isla warka uu degelkaa saaray ayuu ururka caawiya Yuhuudda soo galootiga ah ee Hebrew Immigrant Aid Society (HIAS) ku eedeeyay in ay “dalkiisa kusoo duuleen” si buu yiri “ay dadkiisa u dilaan.”

Ninkan ayaa markii uu jamaacadii macbadka rasaas kala daaley wuxuu deeto difaac u galay booliiskii goobta yimid oo uu ku khasbay inay gawaaridooda ku gabbadaan, waloow uu markii dambe is dhiibey.

Hadalsame Media