WAR CUSUB: Toogasho ka dhacday dalka Maraykanka

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 Ugu yaraan 8 ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Magaaladda Pittsburgh oo ka tirsan gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Khasaaraha ayaa la sheegayaa inuu intaas ka badan karo.

Xaafadda toogashadu ka dhacay oo la yiraahdo Squirrel Hill ayaa waxaa ku badan dad asal ahaan ka soo jeeda Yuhuuda.

Weerarka waxaa gaystay nin hubeysan oo la sheegay inuu ku qeylinayay hadalo naceyb ah oo ka dhan ah Yuhuuda waxaana uu bartilmaameedsaday goob dhisme ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan weerarka gaystay hadda ku jiro xabsi.

Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan,waxaana weerarkaas ku dhaawacmay dad dhowr ah.

Hadalsame Media