SAWIRRO: Maxaa looga hadlay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka OIC oo ka dhacay Muqdisho?

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ku tilmaamay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC mid taariikh ah.

Shirka waxaa ka soo qeybgalay 11-dal oo 14-dal ka mid ah iskaashiga Islaamka u qaabilsanyihiin taakuleynta Soomaaliya.

Mr. Cawad ayaa sheegay in Shirka uu hadal ka jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku dheeraaday ka hadalka horumarka Soomaaliya gaartay iyo taageerada ay ka fileyso dalalka Islaamka.

“ Shirku si fiican ayuu u dhacay waxaa shir-guddoomiye ka ahaa Dowladda Qadar,oo uu goob joog ahaa Wasiiru dowlahooda arrimaha dibadda,waxaana kooxdaan loo yaqaano xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC guddoomiye u ah Qadar,martidu waxay ka mahad naqeen soo dhoweyntii diirneyd ee loo fidiyay,shirku wuxuu ku soo gaba-gaboobay inuu ka soo baxo dhambaal nurxurkiisu ahaa in dalalka iskaaskiga islaamka ay adkeeyaan midnimada dalka Soomaaliya iyo Qaranimada dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in waxyaabaha shirka ka soo baxay qeyb ka tahay in Soomaaliya laga garab istaago dhanka horumarka ee loo qaadayo dhinaca Dowladnimada,dhanka gargaarka bini-aadanimo.

Shirkan ayaa waxaa lagu qiray in Xukuumadda Soomaaliya ay ku talaabsatay horumar la taaban karo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo waliba arrimaha Bulshada.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.

Hadalsame Media

Facebook Comments